Nicola Sturgeon oo is casishay 8 sanno ka dib

Arbaco, 15-Febaraayo-2023 (SDU) Nicola Sturgeon ayaa iska casishay xilkeeda R/wasaare ee Iskootland oo ay mudo sideed sanno ah xilkaas soo haysay, Shir jaraaid oo ay warbaahinta siisay iyadoo ku sugan magaalada Edinburgh ayay ku sheegtay in ay xilkeeda iska casishay.

Sturgeon ayaa sheegtay in ay mudo ku taamaysay in ay xilka iska casisho, waxay kaloo intaas ku dartay in ay ahayd go aankii ugu adkaa ay abad qaadato. Sturgoen ayaa ah Raisal wasaarihii ugu dheeraa ee mudo sideed sanno ah xilka hayo marka loo fiiriyo Iskootland.

Waa haweeneydii ugu horeysay ee xilka R/wasaaranimo ka qabata Iskootland uguna dheereyd inta ay xilka hayso Iskootlaand. Sturgeon waxay kaloo madaxa u tahay xisbiga NSP National Socialists Party. Waxay sheegtay in ay siyaasada ku sii jiri doonto. illaa laga gaaro Maajo 2026 oo doorasho lagu qaban doono halka la yiraa Holyrood Iskotlaand

Xisbiga NSP ayaa mudo ku taamayey sidii ay uga go i lahaayeen Midowga Boqortooyada Ingiriiska oo ay sannadkii 2014 aqlabiyada badan ku heleen taasoo ku dhawaatay in ay madax banaani ka helaan Ingiriiska intiisa kale.

R/wasaare David Cameron ayaa sannadkii 2014 u oggolaaday in Iskootlaand afti qaadi karaan oo kaliya jiilkiiba hal mar la qabto afti laga qaadayo reer Iskootland taasoo Ingiriiska halgan toos ah mid muuqda iyo mid qarssoodi ahba ugu jiro sidii ay wiiqi lahaayeen in Iskootland shicibkeeda ay aayahooda uga tashan lahaayeen xorriyad buuxdana u heli lahayeen.

Arrimaha la xiriira rabitaanka shicibka reer Iskootlaand ee raba in ay ka go aan Midowga Boqortooayada Ingiriiska iyo shuruucda la xiriirta in qofka loo oggolaado in uu badali karo jinsigiisa markuu gaaro 16 sanno, taasoo keentay in dowlada Ingiriiska soo farageliso oo ay fiito dul dhigto sharciga sababo la xiriira in dad badalay jinsigooda ay dambiyo kufsi ah ka geeysteen xabsiyada Ingiriiska dhexdooda. Waxaa ugu yaabka badnaa nin sheegtay in uu isu badalay dumar hadana xabsiga markii lagu xiray qaybaha dumarka kufsi ku kacay taasoo keentay ceeb iyo waji gabax ku keentay dadka u ololeeya jinsi badalka.

Sannadka na soo aadan ee 2024 ayaa waxaa ka dhici doona doorasho Iskootlaand xisbiga NSP-na akhlabiyadiisa ay sii xumaatay oo dad badan ay kala noqdeen taageeradoodii ka dib markii ay taageereen sharciga qowmu luudka ee dadka jisniyadooda badalaayo.

Cadaadisyo siyaasadeed iyo kuwa bulsho ayaa keenay in ay iska casisho booska ay haysay ee First Minister of Scotland. Dad badan oo siyaasada falanqeeyo ayaa qaba in ay ahayd maqaarsaar oo waxqabad lahayn oo markii la doono fiiro dusheeda lagu tuuro xagga Ingiriiska.

Waxaa sidoo kale si lama filaan ah  19 January 2023 isu casishay R/wasaarihii hore ee wadanka Niyuu silaand [New Zealand] Jacinda Ardern oo cadaadiska siyaasadeed u babac dhigi waysay ka dibna is casishay. Haweenka siyaasada galay waxay isugu biyo shubteen in ay noqdaan kuwa hungoobay siyaasada noqdayna kuwa maqaarsaar ah oo u addeega maalqabeenka iyo inta xukunka haysata.

Jaaliyada Soomaalida Nederland

Xiriir leh qormadaan: Isha: