Mark Rutte oo u sharaxan madaxa Naato

London (SDU) 24/06/2024: R/wasaarihii hore ee Nederland Mudane Mark Rutte ayaa u sharaxan ololena ugu jira safaro kala gedisana ku tagay wadamo Midowga Yurub ah sidii loogu dooran lahaa madaxa gaashaanbuurta Naato.

Mark Rutte ayaa noqday R/wasaarihii ugu badnaa intuu hayay xilka R/wasaare ee Nederland in ka badan mudo todan sanno ah. Dowladii uu R/wasaaraha ka ahaa ayaa in ka badan saddex jeer iscasishay ka dib markii ay la soo daristay fadeexooyin ku takrifal awoodeed dowladii uu madaxa u ahaa.

Rutte ayaa wadamo ay ka mid yihiin Hangari ka codsaday in ay taageero siiyaan iyadoo lagu xiray in uu dib uga noqdo aflagaado uu u geystay dowlada R/wasaaraha Hangari Viktor Orban in uu raaligelin ka bixiyo taasoo uu ku dhaqaaqay Mr Rutte isagoo si qoraal ah ugu qoray barta uu ku leeyahay Viktor Orban X iskuna raaceen in ololaha nabadeed ee ay Hangari ka doorbiday in ay ka qaybqaadato dagaalka Yukraayn uu ixtiraamo.

Nederland ayaa aad looga necbaa balse wuxuu noqday mid uun wax soo maleego intuu dowladiisa iscasisho hadana dib ugu soo noqda isla xukunka oo uu mudo 10 sanno ah marwalba booskiisa dib ugu soo noqonaayey. Rutte wuxuu caan ku ahaa cunsurinimo dahsoon oo kula kacay dadka laga tirada badanyahay qaasatan Soomaalida dhuunta u galay sharciyo qarsoodi ah uu isaga ka danbeeyeyna lagu dhibay dadka qaata cayrta oo dabagal ba ‘an la dabadhigay.

Rutte wuxuu caan ku ahaan u addeega maalqabeenka iyo inta awooda leh ee muusan ahayn mid u addeega danta shicibka Nederland waxaana xusi doonta taariikhda wadanka Nederland oo marka la oggaado siyaasadiisa guracanayd uu noqon doona mid taariikhda baal madoow ka gala.

Gashaanbuurta Naato haddii uu ku guulaysto ma noqon doona mid nabad ka shaqeeyo ee wuxuu noqon doonaa mid dagaalo lagu hoobto loo addeegsado maadaama uu yahay mid aan xilkas ahayn lagana yaabo in uu sabab u noqdo dagaalo lagu hoobto.

Rutte waa mid aan reer lahayn aana guursan laguna xanto in uu yahay qoowmu luud isaga iyo naxariistana kala guureen, balse wuxuu leeyahay calaamadihii lagu ogaa qowmkaan oo dhan.

Waa mid Sahyuuni ah oo taagaaro aan ka hadal lahayn taageero dowlada Yuhuuda mowqifkiisa la xiriira xaalka Qaasa iyo reer Falastiina in la gumaado aan waxba ka dhihin isago iyo dhamaan reer galbeedka dhamaantood taasoo ku cadaatay in xuquuqul insaanka u gurbaano tumi jireen ayna waxba ka jirin.