Doorashada UK wax ka ogoow

London (SDU) 24/06/2024: Wadanka Ingiriiska ayaa doorashada baarlamaanka ka dhici doontaa Jimcaha 4 Luulyo 2014 [ The UK Parliamentary General Election takes place on Thursday, 4 July 2024.] Waxaa isa soo tarahay in  Daacad  la’aanta siyaasiyiinta labada xisbi ee u tartamaya doorashada wadanka Ingiriiska ayaa la sheegay in ay wiiqi karto dimoqraadiyada wadanka Ingiriiska sida ay isku raaceen khubaro ku xeeldheer arrimaha wadanka Ingiriiska siyaasadiisana u kuurgala. 

Wadanka Ingiriiska ayaa sida afti laga qaaday shicibka lagu ogaaday in shicibka ay ka rajo dhigeen oo aysan aaminsanayn in wax isbedel ah oo la taaban karo ay keeni karaan xisbiyada ka jira UK qaasatan xisbiyada shaqaalah iyo xisbiga Conservetive-ka majaraha wadanka haya hadda. 

R/wasaare Rishi Sunak oo xisbigiisa Conservative-ka ay u doorteen in uu noqdo R/wasaare balse aysan dooran shicibka Ingiriiska. Waa markii ugu horeysay ee qof asal ahaan ka soo jeeda  dadka laga tirada badanyahay uu noqdo R/wasaare ahna Hinduu Qaarada Aasiya ka soo jeeda  balse ma sii caga badno oo ma sii raagi doono sida ay aaminsanyihiin khubarada ku xeeldheer siyaasada wadaka UK. 

Waxay u egtahay in uu Ingiriiska iyo boqortooyadiisaba ay u egtahay mid gabalkeedu uu sii dhacaayo calaamadihiii burburkana ay soo ifbaxayaan maalinba maalinta ka danbeyso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin xagga dhaqaalaha, daryeelka caafimaadka, iyo burburka xudunta bulshada ee ah kororka dadka iyo arrimaha faamilada oo ay la soo daristay fakhri iyo busaarada dhaqaale oo aan hore loo arag. 

Siyaasiyiinta iyo siyaasada Ingiriiska ayaa noqotay mid u addeegta danaha inta xoolaha leh, iyo  boqortooyada Ingiriiska oo iyadana sii yaraanayo doorka bulshada iyo aaminka ay ku qabaan. 

Ma jiro siyaasi ama siyaasad hadda jirta ee keeni karto isbedel wadanka Ingiriiska maadama dhibaatada dhaqaale ee bangiyada abuureen ay yihiin kuwa aan ka amar qaadan siyaasiyiinta iyo siyaasada taasoo aakhirka sababi dooonta in ay wiiqdo kalsoonida hanaanka maamulka wadanka Ingiriiska.

Waxaa kaloo aad looga cabsi qabaa in dagaalo lagu hoobto Qaarada Yurub ka dhacdo haddii faragelinta qaawan ee wadanka Ingiriiska ku haayo xalaada dagaalka Yukeeyn oo sababi karto in dagaalo la isku addeegsado Nukliyeerka qarxaan taasoo keeni karto in lagu hoobto. 

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay maxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska yeey dooran karaan ? Jawaabta waxay tahay cid la dooran karo ma jirto, balse waxaa suurtogal ah in xisbiyo yar yar oo ay abuureen shaqsiyaad faro ku tiris ah loogu shubi karo, laakiin wax isbedel siyaasadeed oo tayo lah kama soo baxayaan. 

Wasaarada caafimaadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan NHS ayaa wadanka Ingiriiska shicibkiisa uu aad iyo aad ugu hanweynyahay taasoo ka dhigaysa wadanka Ingiriiska wadanka kaliya ee adduunka ay tahay daryeelka caafimaadka bilaash waa haddii aad buuxiyo shuruudaha aad ku heli karto in si bilaash ah lagugu daaweeyo. 

Waa socotaa ……

Xiriir la leh qormadaan —> Liiska siyaasiyiinta Ingiriiska oo dhan

Somali Dutch UK